Muqdisho: Weerar lagu Qaaday Hotel Saxafi

Qiyaastii lixdii subaxnimo oo labaatan dhiman ayaa waxa qarax weyni uu ka dhacay Hotel Saxafi oo ku yaalla xaafada KM4 ee magaalada Muqdisho, qaraxaasna waxa xigay is rasaaseyn hotelka dhexdiisa ka socotay, iyada oo aan khasaaraha wali la ogeyn.

Wariyaha VOAda Cabdulqaadir Maxamed ayaa kusoo waramaya in qara kale uu ka dhacay meel hotelka u dhow.

Wali ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee weerarka, iyada oo ciidamo aad u hubeysani ay hotelka weerarku ka dhacay joogaan.

Wixii warar ah ee ka soo kordha, kala soco VOA Somali.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Qaraxa Hotel Saxafi