AMISOM:Buule Burte Godoon Ma Sii Ahaan Doonto

AMISOM oo ku sugan Ceel Macaan

AMISOM oo ku sugan Ceel Macaan

Ciidanka AMISOM qeybta afraad ee ka socda dalka Jabuuti ayaa la wareegay gacan ku hayanta magaalada Jalalaqsi oo ay kala wareegeen ciidanka ka socda Burundi, haddaba taliyaha ciidanka AMISOM eek a socda dalka Jabuuti ee qeybta afraad Korneyl Cabdiraxmaan Cabdi Dhambiil ayaa VOA u sheegay in ciidanku ay dhawaan godoonka ka saari doonaan mid ka mid ah wadooyinka laga soo galo magaalada Buule-burte ee gobolka Hiiraan.