AMISOM:Kama Soo Bixin Shabeelada Hoose

AMISOM ayaa ka hadashay ka bixista ay ciidamadoodu ka soo baxeen saldhigyo ay kaga sugnaayeen magaaooyin ku yaala gobolka shabeellaha Hoose.

Afayeenka AMISOM Paul Njuguna oo u waramayay VOA ayaa beeniyay in AMSIOM ay meelo ka baxday, balse wuxuu sheegay in tani qeyb ka tahay dib u qaabayn ay ku sameynayaan ciidankooda.

Waxa uu ku hanjabay in isbedelladda ay la yimaadaan Istaraatijiyaddan milatari la arki doono todobaad gudahii.

Afayeenka AMISOM ayaa sido kale ka hadlay weerar saaka lagu qaaday kolonyo ay ciidamada AMISOM lahaayeen deegaanka Likooley, gobolka Geod kuna dhow xuduudda Somalia iyo Kenya.

Waxa uu sheegay laba askari ay weerarkaasi kaga dhaawacmeen, kuwaa oo ka tirsan ciidamada Kenya.

Wareysiga Afhayeenka AMISOM halka hoose kd ahgeyso:

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageys Wareysiga Afayeenka AMIOSM