Baarlamaanka Soomaaliya oo Fasax Galay

Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta ku dhawaaqay in ay galayaan fasax, xilli uu baarlamaanka hor yaallo mooshino iska soo horjeeda. Arrintani ayaa loo sababayey in xubnaha baarlamaanka qaar ay soo gudanayaan waajibaadka Xajka sanadkan.

Sidoo kale Guddoonka Baarlamanka ayaa sheegey in ay sii soconayaan kulamada xalka loogu raadinayo mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha oo ay wadaan qaar ka mida xubnaha Baarlamanka.

Dhageyso warbixin ay arrintaasi ka diyaarisay Falastiin Axmed Iimaan.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixin Baarlamaan