Dhacdooyinka ugu Halista Badan Tahriibka

Toddobadii bilood ee ugu horreeyey sannadkan waxaa gaadhay Midawga Yurub qaxooti gaadhaya illaa 340,000 oo qof kuwaas oo noqonaya Qaxootigii ugu badnaa ee Midawga Yurub gala tan iyo wixii ka dambeeyey dagaalkii labaad ee dunida.

Ku dhowaad 2,400 oo qof ayaa badda ku dhintay intii aanay gaadhin Midawga Yurub.

Dadkaas gaadhay Midawga Yurub waxaa ku jira dhalinyaro badan oo Soomaali ah, hase ahaatee waxaa jira tiro badan oo Soomaali ah oo badaha ama saxaraha ku dhinta.

Kuwooda ka badbaada safarkaas halista badan ayaa la kulma dhacdooyin xanuun badan inta ay safarkooda ku jiraan, haddaba Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa warbixintan gaarka ah innoga diyaariyey.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta Tahriibka