Australia: Soomaali Sharciga loogu Diiday Indha-la'aantiisa

Dawladda Australia ayaa sharcigii degnaanshaha u diidday Dr Siyaad Hilow Cabdi oo muddo 11 sano ku noolaa dalkaasi.

Dr Siyaad ayaa Bare ka ah jaamacado ku yaalla dalkaasi, waxaana uu u doodaa xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba sida naafada, hase ahaate waxaa sharciga loogu diiday maadaama oo uu qabo naafonnimo arag la’aant ah, iyada oo uu sharciga dalkaasi dhigayo in qofka culays ku ah bulshada iyo dawladda aan loo ogolaanin inuu sii degenaado.

Qaybta hoose ee boggan ka dhegayso waraysi ay VOA la yeelatay Dr Siyaad.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhegayso: Waraysiga Dr Siyaad Hilow Cabdi