HRW: AMISOM ha Baarto Dhacdadii Marka

Askari ka tirsan AMISOM

Warsaxaafadeed ay soo saartay hay’adda u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ugu baaqday ciidamada nabad ilaalinta Midawga Afrika ee Soomaaliya inay baadhaan dilka lagu eedeeyey ciidamada Uganda ee ka tirsan hawlgalka AMISOM.

Ciidama AMISOM ee ku sugan magaalada MARKA ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa lagu eedaynayaa inay dileen lix qof oo ku sugnaa xaflad aroos, bishii July 31-keedii 2015.

Human Rights, waxa ay sidoo kale dalbatay in baaritaanka la sameeyo, ayada oo si aad ah loo dhowrayo ammaanka dadka goobjooga u ahaa dhacdadan, islamarkaana dowladda Uganda ay si caddaalad ah u maxkamadeyso askari kasta oo lagu helo inuu mas’uul ka ahaa weerarka.

Waxaa warbixin dheeri ah ka diyaariyey Ismaaciil Farjar ee hoos ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta Human Rights Watch