AMISOM Oo Baareysa Dil Ka Dhacay Deegaanka Halgan

Ciidamada AMISOM oo ku sugan meesha uu dabku ka dhacay.

Dadka deegaanka ayaa falkaasi ku eedeeyey in ay geysteen ciidanka AMISOM faraca ka socda dalka Itoobiya.

Taliyaha ciidamada AMISOM ee farac afaar ee gobollada Hiiraan iyo Galgaduud korneyl Cabdiraxmaan Cabdi Dhimbil ayaa sheegay in ay guddi ku saareen dilkii shalay ka dhacay duleedka deegaanka Halgan.

Taliyaha ayaa sheegay in falkaasi uu dhacay islamarkaasna uu amray in falkaasi baaritaan lagu sameeyo.

Warbixinta ku saabsan warkaas oo dhammeystiran hoos ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta deegaanka Halgan