Dastuurka Maamulka Jubba Oo La Ansaxiyey

Shirkii Jubbooyinka

Ergooyin ku u dhaafay illaa iyo 300 oo xubnood oo ka kala yimid degmooyinka uu ka taliyo maamulka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku ansixiyey dastuurka maamulkaasi.

Wasiirka madaxtooyada maamulka Jubbaland Cabdiqani Cabdi Jaamac oo VOA wareysi gaar ah siiyey ayaa sheegay in sidoo kale 15 bishan la qaban doono doorashada madaxweynaha maamulka, iyadoo xilliga madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu ku egyahay 27 bishan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in maamulka uu xal u heli doono dhammaan dadka saluugsan maamulka ee cabashooyinka ka muujinaya hawsha hadda jirta.

Hoos ka dhageyso wareysiga wasiirka.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysiga wasiirka madaxtooyada Jubbaland