Hargeysa oo Martigalinaysa Bandhigga Buugaagta

Magaalada Hargeysa waxaa Sabtidan maanta ah ka furmaya Bandhigga caalamiga ah ee Buugaagta.

Bandhiggan ayaa ah kii 8aad ee halkaasi lagu soo bandhigo.

Guddoomiyaha Bandhigga Jaamac Muuse Jaamac ayaa VOAda u sheegay in sanadkan ay Bandhigga marti u yihiin aqoonyyahano iyo hal-abuur ka socda dalka Nigeria.

Ka sokow bugaagta caalamiga ah, waxa kale oo uu guddoomiyuhu xusay in la soo bandhigi doono buugaag iyo qoraallo ay soo diyaariyeen dhalinyarada soomaalida ah.

Waraysiga Guddoomiyaha ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhegayso: Waraysi ku saabsan Bandhigga Buugagta ee Hargeysa