Faahfaahin: Shirka Gacansiga ee Nairobi

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta isaga iyo dhigiisa Kenya Uhurra Kenyatta waxay fureen shirka caalamiga ah ee hal abuurka ganacsiga adduunka.

Shirkan oo ay ka qeybgalayaan wafuud caalami ah iyo dad ka badan 4-kun oo qof ayaa Obama wuxuu uga dhawaaqay maalgashi lacageed oo gaadhaya hal billion oo dollar oo loogu talalagay barnaamijyada ganacsiga loogu abuuro.

Haddaba shirkan caalamiga ah ee hal abuurka Ganacsiga ee Madaxweyne Obama iyo Uhura ay ka fureen magaalada Nairobi waxaa ka qeybgalaysa wafuud balaaran oo caalamka ka socoto, kuwaasoo qeyb ka ah baayacmuushtar adduunka.

Saeed Sheikh Omar and Ahmed Ali

Soomaalida ka qeybgalaysa waxaa ka mid ah Saciid Sheekh Cumar oo ah milkiilaha makhaayada Summer-time ee Hargeysa, Axmed Cali oo ka socda urur lagu magacaabo Shaqo-Doon.

Warbixin iyo Waraysiyo arrimahan ku saabsan xagga hoose ka dhegeyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Shirka Hal-abuurka Ganacsiga