11 Qof oo lagu Dilay Buur-hakaba

Wararka ka imanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in ugu yaraan 10 qof ay dhinteen markii la duqeeyay baabuur dad rayid ah leeyihiin oo marayay Dalandoole iyo Sigle oo u dhow degmada Buurhakaba.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan ay geysatay diyaarad aan la aqoon cidda iska leh.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa VOA u sheegay in gaadiidka la duqeeyey ay isugu jireen Gaadhi weyn nooca Xamuulka Qaada, gaadhi nooca Basaska Caasiga ah ee rakaabka qaada ah iyo Mooto ama dhugdhuglay.

Goojoogayaasha ayaa VOA u sheegay in dadkani ay ahaayeen barakacayaal ka soo qaxay deegaanka dalandoole una sii jeeday deegaanka Sigle oo isu jira illaa 65KM.

Illaa hadda ma jirto cid ka hadashay.