Abwaankii Sooraan oo Hargeisa ku Geeriyooday

Alle u naxariistii janno haka waraabiyee waxaa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Cabdillaahi Diiriye Cali oo loo yaqaanay Sooraan. Sheekh Sooraan oo ka mid ahaa abwaannadii iyo haldoorka fankii Soomaalida, ayaa muddooyinkii u dambeeyay iimaam ka ahaa masjid ku yaalla Hargeysa.

Xilliyadan u dambeeyey ayaa Sheekh Sooraan uu ku xanuunsanayey magaalada Hargeisa, iyada oo maanta halkaas lagu aasay.

Warbixin ku saabsan aaska Sheekh Sooraan halkan hoose ka dhegeyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Geerida Sooraan