AMISOM oo Deegaano Cusub ka Baxday

Ciidamada AMISOM ayaa xalay ka baxay degmooyin ay ka mid tahay degmada AW-DHEEGLE ee gobolka Shabeellaha Hoose. Guddoomiyaha Aw-Dheegle Maxamed Aweys Abuukar ayaa sheegay in al Shabaab ay gabi ahaanba la wareegtay dhammaan saldhigyadii ay ciidamada AMISOM-tu ka baxeen.

Guddoomiyaha ayaa VOA u sheegay in dadweyne badan ay barakaceen deegaanadaasi, isaga laf ahaantiisuna uu halkaasi ka cararay lugna ku tagay degmada Afgooye.. Xuseen Barre ayaa khadka taleefonka ee Afgooye ku wareystay guddoomiya.

Your browser doesn’t support HTML5

AMISOM oo Deegaano ka baxday