Shabaab oo Weeraray Qoryooleey

Maleeshiyo ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weeraray degmada Qoryooley ee Sh/Hoose.

Dagaal socday ku dhowaad muddo laba saacadood ayaa dhexmaray maleeshiyada iyo ciidamo ka tirsan degaanka.

Mas’uuliyiinta degmada ayaa sheegay in 2ka tirsan al-Shabaab ay dhinteen, sidoo kalena uu dhaawac soo gaaray 2 shacab ah.

Maxamed Cabdi C/llaahi “Gaashaan,” gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee degmada Qoryooley ayaa dagaalkaasi uga warramay VOA.

Waraysiga oo dhan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhegayso: Waraysi ku saabsan Shabaabka oo weeraray Qoryooleey