Galguduud: Dagaallo ka Dhacay Xadka Ethiopia

In ka badan 20 qof ayaa dhintay, ku dhawaad 40 kalena way ku dhaawacmeen, dagaallo maalintii saddexaad ka socda deeggaano u dhow xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Ethiopia.

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud, Xuseen Cirfo ayaa sheegay in ciidamada booliska ee maamulka Kililka 5 Ethiopia ay weerareen dad rayid ah oo degan deeggaanno dhinaca bariga Ethiopia ku yaalla oo u dhow xadka.

Cirfo, wuxuu sheegay in dowladda Somalia ay arrintaasi welwel ku hayso. Warbixintan waxaa Hiiraan ka soo diray, Xuseen Xasan Dhaqane.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso dagaalka xadka