Gaas: Baarlamanku yuusan ku Mashquulin Jubba

Madaxweynaha Maamulka Puntland Prof. Cabdiweli Cali Gaas ayaa gardaro ku tilmaamay mooshin yaalla baarlamaanka Somalia oo ka dhan ah baarlamaanka Jubbaland.

Gaas ayaa u sheegay xildhibaannada baarlamaanka Somalia inay qabtaan shaqadii loo igamaday intay ku mashquuli lahaayeen ayuu yiri arrimaha Jubbaland. Wareysi uu siiyay VOA, ayuu Cabdiweli Gaas kaga hadlay qaxootiga Somalia ee Yemen ka imanaya ee soo gaarayay Bossaso.

Weriyaha VOA, Bosssaso, Faadumo Yasin Jamac ayaa Prof. C/weli Gaas wareysi halkaasi kula yeelatay. Wareysiga qeybta hoose ee qoraalkan ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Wareysiga Cabdiwali Gaas