Puntland oo dib u Fasaxday TV-ga Dawladda Somalia

Maamulka Puntland ayaa sheegay inay ka noqdeen amar ay shalay shaqadii uga joojiyeen Telefiishanka dowladda Soomaaliya hawlihii uu ka waday Puntland.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha maamul goboleedka Puntland C/laahi Xaashi Warsame Qoob-deero oo amarkan isagu soo saaray ayaa VOA u sheegay in Telefiishanka dowladdu uu warar been abuur ah ka tabiyay Puntland, taasina keentay in muddo kooban shaqada laga joojiyo.

Dhinaca kale, magaalada Boosaaso waxaa maanta gaadhay 234 qof oo qaxooti ah oo isugu jira Somali iyo Yamaniyiin kuwaasi oo ka soo qaxay colaadda ka taagan dalka Yemen.

Sahra Ciidle Nuur ayaa wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Puntland ka wareysatay qaxootiga soo gaaray Boosaaso iyo waliba TV-ga shaqada laga joojiyay.

Your browser doesn’t support HTML5

Waraysiga Wasiir Xigeenka Puntland