Soomaali Yemen laga Qaaday oo Gaaray Muqdisho

Qaxootiga laga soo daadgureeyay Yemen

Diyaaradii u horreysay ee siday qaxooti laga soo daadgureeyey dagaalka Yemen ayaa maanta laga dajiyay magaalada Muqdisho. Diyaaraddan waxaa soo kireysay hay'adda IOM.

Axmed Cabdi Xasan, Qunsulka Soomaaliya ee Cadan ayaa VOA u sheegay in dadka maanta la geeyay Muqdisho ay tiradoodu gaarayso 147 qof oo isugu jiro qoysas iyo dad waayeel ah.

Soomaali fara badan ayaa horey u gaaray dekeddaha Bossaso iyo Berbera.

Your browser doesn’t support HTML5

Waraysiga Qunsulka Cadan