Mucaaradka Somaliland oo soo Dhaweeyay Wadahadal

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa soo dhaweeyey baaq maalintii shalay ay xukuumadu ku fidisay gogol wada hadal oo laga yeesho khilaafka ka dhashay mudo kordhinta.

War- murtiyeed wadajir ah oo ka soo baxay 7 dal oo Somaliland taageera iyo QM ayaa ku baaqey in miiska wada hadalka la isgugu imaado si looga wada xaajoodo waqtiga doorashada iyo mudo kordhinta.

Dhinaca kale gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe oo VOA u Waramay ayaa soo dhaweeyey isla mrkaana sheegay in waqtigii ay hore gudida doorashooyinku u qabteen ay taagan yihiin.

Wariyaha VOA ee Hargeisa Cabdixakim Maxamuud shirwac oo guddoomiyaha waraystay ayaa ugu horayn waydiiyay sid ay u arkaan gogosha loo fidiyay.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso hadalka mucaaradka Somaliland