Wariye iyo Xaaskiisii oo lagu Dilay Baydhabo

Bartamaha Baydhabo

Magaalada Baydhaba waxaa xalay lagu dilay Daa’uud Cali Cumar oo ah weriye ka howgalayay Idaacadda Baydhabo, xaaskisii iyo waliba nin kale oo ay jaar ahaayeen.

Dilkan waxaa geystay dabley la aaminsa yahay inay ka tirsan yihiin ururka al-Shabaab.

Maamulka Koonfur-Galbeed Somalia ayaa sheegay inay baadhayaan sababaha loo dilay 3-dan ee uu ku jiro weriyhuhu.

Warbixintan waxaa Baydhaba ka soo diray weriyaha VOA, Mukhtar Maxamed Catoosh.

Warbixinta oo dhan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhegayso: Warbixin ku saabsan dilka Wariyaha ee Baydhabo