Mucaaridka Somaliland oo ku Baaqay Hogaan KMG ah

Kadib markii todobaadkan ay Gudidda Doorashada Somaliland si rasmi ah u shaaciyeen xiliga ay bilaabmayso diiwaan galinta codbixiyayaashu ayaa Isbahaysiga Mucaaridka Somaliland kulan ay magaalada Hargeisa ku yeesheen ay ka soo saareen shan qodob oo ay kaga hadlayaan arimaha doorashada soo socota.

Waxey ugu baaqay madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo inuu hogaanka u qabto shir wada tashi ah oo lagaga arrinsanayo hogaanka dalka gaadhsiin lahaa muddo xileedka u dhexeeya 26 ka june ilaa maalinta doorashadu ay dhacayso.

Dodobadan ayaa waxaa warbaahinta u akhriyay Musharaxa jagada Madaxwayne ku xigeenka ee xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan, waxaana markaa ka dib uu wareysi arinta la xiriira siiyay wariyaha VOA ee Hargeisa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.

Wareysiga oo dhameystiran halka hoose ee qoraankan ka dhageyso:

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Wareysiga Cabdirashiid Xasan Mataan