Isbaheysi Mucaarad ah oo Hargeisa Laga Dhisay

Isbaheysiga Mucaaradka Somaliland

Labada xisbi mucaarad ee Somaliland iyo madasha wadatashiga oo ah madal ay ku midoobeen qaar ka mid ah siyaasiyiin ta aan ku jirin saddexda xisbi, ayaa maanta kaga dhawaaqay magaalada Hargeysa is-bahaysi dhexmaray oo ay u magic-bixiyeen Isbahaysiga Mucaaradka, waxaanay soo saareen go’aamo ku saabsan aragtidooda la xidhiidha marxaladda siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee Somaliland. Warbixintan waxa magaalada Hargeysa nooga soo diray Weriyaha VOA ee Hargeysa Barkhad Maxamuud Kaariye oo ku sugnaa madasha ay kaga dhawaaqeen mucaaradku isbahaysigan.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Warbixinta Ku Dhawaaqista Madasha Mucaaradka ee Somaliland