Daraasad: Dimoqraadiyadda iyo Dareenka Muqdisho.

Abdi Aynte

Daraasad uu sameeyay Machadka Heritage ee magaalada Muqdisho ayaa lagu oggaaday in dadka Muqdisho dagan intooda badan ay doonayaan in doorashooyin dimoqraadi ah ay ka dhacaan caasimadda Muqdisho.

Daraasaddan waxaa laga uruuriyay 1633 qof oo kala deggan degmooyinka Muqdisho. Daraasaddan ayaa lagu oggaaday sidoo kale in amni-xumadu ay tahay caqabadda ugu weyn ee hortaagan doorashooyin dimoqraadi oo ka dhaca caasimadda.

Daraasaddan ayaa sidoo kale muujinaysa in dadka Muqdisho dagan ay si weyn uga soo horjeedaan hannaanka 4.5 ee awood-qeybsiga beelaha, waxayna doonayaan in kaalin weyn la siiyo dumarka iyo beelaha laga badan yahay.

Cabdiraxmaan Caynte, madaxa Machadka Heritage ayaa VOA siiyay wareysi uu uga hadlayo nuxurka daraasaddan.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysiga Caynte ee Dimoqraadiyadda iyo Dareenka Muqdisho.