Hargeysa: Dahabshiil oo Bangi Ganacsi Furtay

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Silanyo ayaa maanta furay bangigii u horeeyay ee Ganacsi oo ay magaalada Hargeisa ka hirgalisay Shirkada Dhabshiil, kaasi oo ay ku baxday lacag gaadhaysa 12 million oo dollar, islmarkaana haatanba maalgaliyay ganacsato gaadhay 700 oo qof.

Munaasibadda lagu daah furayay bangigan ayay ka soo qayb galeen mas'uuliyiin kala duwan, ganacsato, iyo hayadaha caalamiga ah ee Somaliland ka hawlgala.

Cabdirashiid Maxamed Siciid waa Maareeyaha Guud ee shirkada Dahabshiil. Wariyaha VOA ee Hargeisa ayuu uga warramay bangigan iyo waxa uu qaban doono.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Wareysiga Bangiga Dahabshiil