Laba Guri oo Lagu Gubay Buulo-Barde

Sawir Hore

Dad caraysan ayaa magaalada Buulo-Barde ku gubay laba guri oo la sheegay inay leeyihiin dad lagu tuhunsan yahay inay ka tirsanyihiin ururka al-Shabab.

Dhacdadan ayaa la sheegay inay daba socotay kadib markii laba maalmood ka hor tuulo u dhow Buulo Barde oo lagu magacaabo Jameeco Shiin lagu dilay nin ganacsade ahaa gurigiisana la gubay.

Dilka Ganacsadaha waxaa lagu eedeeyey inay gaysteen ururka al-Shabab, Qof goob jog u ahaa dhacdadan ayaa VOA uga warramay sida ay wax u dhaceen, isaga oo sababo dhinaca ammaanka awogood u qariyay magaciisa.

Waraysiga oo dhan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan:

Your browser doesn’t support HTML5

Dhegayso: Waraysi ku saabsan guryo lagu gubay Buulo-Barde