Madaxweynaha Somalia oo u Jawaabey UN/EU

Madaxweynaha Somalia ayaa ku baaqey in la dhowro madaxbannaanida dalka isla markaana sida uu qeexayo dastuurka federalka ee ku meel gaarka ah mustaqbalka waddanka ay go’aaminayaan dadka Soomaaliyeed, hay’adaha federalka iyo shuruucda degsan.

Hadalka madaxweynaha ayaa jawaab u ah war ay shaley soo saareen Ergeyga Gaarka ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Arrimaha Somalia Danjire Nicholas Kay iyo Wakiilka Midowga Yurub ee Somalia.

Ergada beesha caalamka ayaa warkooda ku muujiyey walaaca ay ka qabaan khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Somalia Hassan Sheikh Mohamud iyo Raiisul Wasaare Abdiweli Sheikh Ahmed.

Mohamed Olad Hassan ayaa khadka telefonka ee magaalada Muqdisho kula xiriirey Xildhibaan Cali Nuur Boodaaye oo ka tirsan baarlamanka federalka Somalia.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysiga Khilaafka

Dhanka kale Falastiin Ahmed Iman ayaa inoo haysa warbixinta EU/UN ay ku muujinayan walaaca ay ka qabaan khilaafka madaxda Soomaalida.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta EU/UN