Rag Al-shabab Ka Tirsan oo Jarmalka Lagu Xiray

Sadex qof oo u heysta Jinsiyadda dalka Jarmalka oo looga shakiyay inay xubno ka ahaayeen ururka Al-shabab ee Somalia ayaa dhawaanlagu xiray garoonka Frankfurt ee dalka Jarmalka, iyagoo la socday dayuurad ay ka soo raaceen dalka Kenya.

Booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay baaris ku hayaan hadii uu jiro xiriir ka dhaxeeya raggan iyo laba qof oo Jarmalka u dhashay oo looga shakiyay inay shabaab ka soo bar bar dagaalameen oo ay gacanta ku hayaan biiliska Magaalada Nairobi.

Maxamed Xaashi Cosoble oo ah Saxafi deggan magaalada Munich ee dalka Jarmalka Ayaan wax ka weydiinay xariggan raggan.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Wareysiga la Xiriira Rag Lagu Qabtay Jamalka