Dowladda: Waan Baaraynaa Kufsiga AMISOM

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay xadgudubyada galmada dumarka ee lagu eedeeyey inay gaysteen ciidamada AMISOM, waxayna sheegtay inay baadhayso eedehaasi, maxkamadna la tiigsan doonto ciddii lagu hello danbiyadaasi.

Warbixin ay soo saartay hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch shalay ayaa ku eedaysay ciidamada Uganda iyo kuwa Burundi eek a tirsan AMISOM inay gaysteen tacaddiyo galmada ah oo ka dhanka ah dumarka iyo hablaha Soomaalida

Afhayeenka xukuumadda, Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa VOA uga warramay talaabadda ay dowladda ka qaadayso eedahahaasi.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhegayso wareysiga Afhayeenka dowladda ee Eedaynta Kufsiga AMISOM