Dhalinyaro Somali ah oo Libya lagu haysto

Xeryo ku yaalla dalka Libya waxaa ku jira dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka badan 200 oo dhalinyaro ah, Maxamed Aadan Cabdi oo sheegay inuu ka mid yahay dhalinyarada xeradaas ku jira ayaa VOA u sheegay in bishii ugu dambaysay ay xeryahaas ku geeriyoodeen 21 dhalinyaro ah oo 8 ka mid ahi ay yihiin gabdho.

Dhalinyarada ku sugan xeryahan ayaa gacanta ugu jira kooxo doonaya inay lacag ka sameeyaan, haddaba Ismaaciil Xuseen Farjar oo ka tirsan VOA ayaa khadka telefoonka kula xidhiidhay Maxamed Aadan Cabdi oo sheegay inuu ka mid yahay dhalinyarada xeryahaas lagu haysto.

Waraysiga oo dhamaystiran halkan hoose ka dhegeyso

Your browser doesn’t support HTML5

Waraysiga Tahriibayaasha Libya lagu haysto