Minnesota: Arday Soomaaliyeed oo Deeq ku Guulaystay

Ardayda Deeqda Waxbarasho heshay iyo Ururka

Ururuka Shanta Link oo ah hay’ad dhalinyarada soomaaliyeed ee deggan gobolka Minnesota ka taageerta dhinaca waxbarashada ayaa sanadkan waxay deeq waxbarasho siiyeen 3 arday.

Munaasabad arrintaasi loogu talagalay ayaa dhacday magaalada St Paul ee gobolka Minnesota.

Deeqdan waxbarasho ayaa ahayd tii labaad ee ururkan ay bixiyeen, waxaana sannadkan ku guulaystay laba gabdhood iyo hal wiil, oo lagu kala magacaabo: Xamsata Cali, Xafsa Maxamuud, Ayuub Faarax.

Dhalinyaradan ayaa waxbarashadooda jaamacadeed sii wadan doona iyaga oo ka faa’idaysana deeqdan.

Warbixin arrintaasi ku saabsan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhegayso warbixin: Arday Soomaaliyeed oo Deeq waxbarsho ku guulaystay