Ciidda iyo Geeska Africa

Madaxda dowladda oo ku tukaday Masjidka Isbahaysiga

Magaalloyinka waaweyn ee Geeska Africa waxaa maanta si weyn oo nabadeed looga xusay munaasabadda Ciidul-Fitriga.

Madaxda dowladda Somalia, sida Madaxweynaha iyo RW ayaa masjidka isbahaysiga kala qeybgalay dadweyne aad u fara badan salaaddii ciidda.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la is cafiyo sidoo kalena la joojiyo colaaddaha ka jira gobollo ka tirsan Somalia.

Ururka al-Shabaab ayaa dadweyne fara badan ku soo uruuriyay magaalada Baraawe si ay u xusaan ciidul-firiga, waxaana dadkaasi la hadlay saraakiil ka tirsan al-Shabaab.

Qeybo ka tirsan deeggaannada ay maamullaan ururka Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca, sida Guriceel iyo Dhuusamareeb ayaan maanta laga xusin ciidul-fitriga.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso sida Muqdisho looga Ciiday

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso sida looga ciiday Garoowe

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso sida Djibouti looga ciiday