RW Cabdiweli: "Qaabkii ayaan Naga Maqan"

Ra'iisul-wasaare Cabdiweli

Ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladdu ay awood u leedahay inay ka adkaato al-Shabaab, balse ay ka maqan tahay qaabkii ay arrintaasi u fulin lahayd.

RW oo maanta ka hadlayay shir ay ka soo qeybglaeen ciidamada booliska Soomaaliya ayaa wuxuu amray xukuumadda iyo hay'addaha amnigaba inay si deg-deg ah xal wax looga qabto amniga.

Ra'iisul-wasaaraha ayaa ku dhawaaqay "toddobaadka kacdoonka dadweynaha" si cadowga loo tuso in dowladda iyo shacabku isku duuban yihiin, looga hortago dagaal wadajir ah ururka al-Shabaab.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Warbixinta hadalka Ra'iisul-wasaaraha