Muranka u dhaxeeya xisbiga Kulmiye ee haya talada Somaliland ayaa sababay in 10 qof oo uu ku jiro wasiir-ku-xigeenkii amniga Somaliland xabsiga loo taxaabay.
Xisbiga Kulmiya ayaa u kala jabay laba garab oo ay kala hoggaaminayaan Guddoomiye Muuse Biixi iyo Madaxweyne Siilaanyo.
Ciidamada amniga ayaa wasiir-ku-xigeenka Cabdilaahi Abokor gurigiisa xalay xoog ku galay, iyadoo halkaasi ay ka dhaceen iska-horimaad dhexmaray iyaga iyo ilaalada wasiir-ku-xigeenka, waxaana halkaasi ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaaladiii wasiir-ku-xigeenka.
Dhinaca kale meel u dhow madaxtooyada Hargeysa waxaa ka dhacay qaraxii 2aad ee Hargeysa ka dhaca muddo 24-saac gudahood ah.
Wasiirka arrimaha gudaha Cali Warancadde ayaa qaraxyadan ku xiriiriyay khilaafka ka dhextaagan xisbiga Kulmiye.