China: Mayd Gabar Soomaali ah oo laga Cabsi Qabo in la Gubo
Dowladda Shiinaha ayaa sheegtey in la gubi doono meydka haweeney Somali ah oo dalkaasi horaantii bishan ku dhimatey, haddii aan waddanka dibeddiisa degdeg loogu qaadin.
Muna Maxamed Xaashi waxay u dhimatey xanuun dhinaca caloosha ah oo ku yimid xilli ay uur lahayd.