Maalinta Soomaalida Maraykanka oo la Aqoonsaday

Maamulka magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ayaa si buuxda u ansixiyey qaraar maalinta 1da Juulaay loogu asteeyey Maalinta Maamuska Soomaalida Maraykanka.

Dhinaca kalena waxaa Minneapolis shalay ka dhacay bannaanbax lagu cambaaraynayo qabqabashada qaxootiga Soomaalida Kenya.

Xilidhibaan Cabdi Warsame oo ka mid ah Maamulka Magaalada Minneapolis ayaa VOAda uga warramay sababta maalinta 1da Juulaay loogu aqoonsaday maalinta Soomaalida Maraykanka iyo mudaaharaadka ka dhanka ah Kenya.

Qaybta hoose ee boggan ka dhegayso waraysiga mudane Cabdi Warsame.

Your browser doesn’t support HTML5

Waraysiga Mudanaha G.D.Minneapolis