Magaalada Sheffield oo Aqoonsatay Somaliland

Madaxweynaha Somaliland iyo Qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada

Taageerayaasha Somaliland ayaa ku dabbaaldegay bannaanka hore ee Madaxtooyada magaalada Sheffield city kadib markii Golaha Degmada uu Khamiistii ku codeeyey inuu aqoonsado xaqa aaya-kataliska Somaliland.

Kumannaan kun oo qof oo asal ahana kasoo jeeda Somaliland ayaa ku nool magaaladan ku taalla dhinaca waqooyi ee England.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Mohamed Bihi Yonis ayaa ka qaybgalay codbixinta, kaidbna waxa uu idaacadda VOA u sheegay muhiimadda astaan ahaaneed ee tallaabadani leedahay.

Mohamed Yonis waxa uu Somaliland ku tilmaamay goob nabadeed.

Warbixin dhamaystiran oo uu magaalada London ka soo diray wariyaha VOA Henry Ridgwell isla markaana uu inoo soo koobayo Haaruun Macruuf ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta Sheffield