Kenyatta oo La Kulmay Soomaalida Nairobi

Madaxweynaha Kenya

Madaxweynaha Kenya Uhurra Kenyatta ayaa Soomaalida degan Nairobi ka codsaday inay dowladdiisa kala shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa amni darrada lagu eedeynayo inay ka danbeeyaan Soomaalida degan dalkaasi. Hadalkan ayuu Kenyatta ka sheegay kadib kulan xasaasi ah oo uu xalay qasriga madaxtooyada kula qaatay odoyaasha iyo ganacsatada Soomaalida ee magaalada Nairobi.

Labada dhinac ayaa isla ogolaaday in si wadajir ah ay uga shaqeeyaan sidii amniga wax looga qaban lahaa. Xaaji Xasan Mustafa oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee kulankaasi ka qeybgalay ayaa VOA-da uga warramay kulanka iyo waxyaabihii ugu waaweynaa ee ay labada dhinc isla garteen.

Wareysiga oo dhameystiran ka dhageyso xagga hoose.

Your browser doesn’t support HTML5

WAREYSIGA XAAJI XASAN