Wasiirro ka Tirsan Dowladda oo Tagay Galguduud

Wasiirrada Dowladda. Picture By Hiiraan Online

Iyadoo maalmihii u dambeeyay ciidamada Ethiopia ee dhawaan ku biiray AMISOM ay dhaq dhaqaaqo ciidan ka wadeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galguduud, si ey howl gal balaaran uga fuliyaan deegaanada gobolka ay weli kaga suganyihiin maleeshiyaadka Al-shabab, ayaa waxaa maanta magaaladaasi gaaray xubno ka tirsan golaha wasiirada Dowladda Somalia.

Wasiirada Arimaha Gudaha, Federalka, Amniga, Gaashaandhigga, iyo Warfaafinta oo waftigan hogaaminaya ayaa waxay u tageen dhuusa mareeb si saraakiisha AMISOM ee magaalada ku suggan iyo kuwa Ahlusunna ay ugala hadlaan qorshaha howlgalka, xoojinta maamulka deegaanka iyo wanaajinta xiriirka siyaasadeed ee Ahlusunna iyo dowladda.

Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Somalia Maxamed Sheekh Xassan Xaamud ayaa VOAda ugu waramay ujeedada safarkooda. Hoosta ka dhageyso;


Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Wareysiga Wasiirka Gaashaandhigga