Qarax ka Dhacay Hotel Maka al-Mukaramah

Qarax baabuur ayaa maanta ka dhacay qeybta danbe ee hotel Maka al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Ridwan Xaaji Cabdiweli Afhayeenka dowladda ayaa VOA u sheegay in afar qof ay ku dhaawacmeen weerarkan.

Gudaha hotel-ka waxaa ku jiray saraakiil ka tirsan dowladda, waxaana sidoo kale ka socday xaflad. Afhayeenku wuxuu sheegay in dadka ku jiray gudaha hotel-ka aanay waxba ka soo gaareen qaraxaaasi.

Fanaannada Hibo Nuura oo ka mida ahayd dadkii ku jiray gudaha Hotel-ka ayaa VOA u sheegtay in qaraxani uusan wax dhibaato ah aanu gaarsiin gudaha hotel-ka.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Wareysiga Afhayeenka Dowladda



Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Wareysiga Fanaannada Hibo Nura