Fannaanka weyn ee Soomaaliyeed Maxamed Saleebaan Tubeec ayaa saaka waabarigii ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla dalka Germany.
Ehellada Maxamed Saleebaan ayaa VOA u sheegay in fannaanku uu u geeriyooday xanuun in muddo ah hayay oo ka soo wajahay dhinaca caloosha, waxayna sheegeen in dhawr jeer qaliin lagu sameeyay maalmihii la soo dhaafay.
Maxamed Saleebaan oo ahaa boqorka codka ayaa wuxuu ka mid ahaa fanaaniinta waa weyn ee doorka weyn ku lahaa fanka Soomaaliyeed.
Halkanna ka dhegayso waraysi ay labada Fanaan ee kala ah Xasan Aaden Samatar iyo Axmed Naaji Sacad ay kaga hadlayaan Taariikh dii Faneed ee Maxamed Saleebaan Tubeec mudadii ay is yaqaaneen.
Your browser doesn’t support HTML5
Samatar & Sacad
Halkanna ka dhageyso barnaamij gaar ah oo Ibrahim Xasan Daanduray uu ku marti galiyey fanaanada Hiba Maxamed (Nuura), Siciid Xarawo, iyo fanaaniin kale.