Somaliland iyo Iibka Dhulka Dawladda

Sawirro: Magaalada Burco, Somaliland

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay iibinayso dhulka dawladda ee aanay baahida u qabin xukuumaddu.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa iibinta dhulkan ku sheegay wareegto uu soo saaray.

Dhinaca kalana, wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta ee Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa isna soo saaray amaro si weyn u taabanaya hawl maalmeedka dawladaha hoose ee Somaliland.

Waxaana uu amar ku bixiyey in la joojiyo gebi ahaanba qorshaynta beeraha, naqshadaynta dhulka iyo weliba in dawladaha hoose bixiyaan dhulka danta guud.

Warbixin arrintaasi ku saabsan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta Iibka Dhulka Dawladda Somaliland