Iyadoo ay socdaan qorshaha boqolaal kun Qaxooti Somali ah oo ku jira xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya looga caawinayo inay si iskood ah ugu noqdaan Somalia, ayaa hay’adda MSF waxey mar kale boorineysaa, in qorshahan uusan saameyn gargaarka dadka xeryaha ku jira, iyadoo dhinaca kale hay’adaha gargaarka badankood ay qarash dhimis ku sameeyeen Mashaaricdii gargaar ee ay xeryahaa ka wadeen.