Al-Shabab oo Waajid Laga Qabsaday

Wararka ka imaanaya gobolada Bakool iyo Geddo ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia ee dhawaan ku biiray AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia ay galeen degmada waajid, iyadoo dagaal kalena uu ka dhacay duleedka Degmada Buur Dhoobo ee gobolka Gedo.

Ciidamada Ethiopia oo ku hubeysan taangiyo iyo gawaarida kale ee gaashaaman oo ay wehliyaan cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda Somalia ayaa maanta galay degmada Waajid ee gobolka Bakool, oo 90 km u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.
Ciidamada huwanta ayaa iyagoon la kulmin wax iska cabin ah qansaday magaalada, ka dib markii maleeshiyaadkii al-shabab ee ku sugnaa magaalada ay isaga baxeen.

Dhinaca kale dagaal ayaa saakay ku dhex maray ciidamada huwanta ah iyo maleeshiyaadka al-shabab deegaanka Xamurre oo qiyaastii 25km dhinaca Galbeed ka xiga Degmada Buur-Dhuubo ee gobolka Gedo.

Warar aan la xaqiijin oo goor dhow naga soo gaaray Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal uu ka socdo duleedka degmada Buur-dhuubo.