Waraysi: Madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maalmahan booqasho ku joogay dalka Ethiopia ayaa gaaray magaalada Jigjiga ee Ismaamulka soomalida ee Ethiopia.

Madaxweyne Cabdiwali Gaas ayaa intii uu ku sugnaa Addis Ababa waxa uu la kulmay Ra'iisal wasaaraha Ethiopia iyo madaxda kale ee dalkaasi.

Waraysi uu siiyay laanta af Soomaaliga ee VOAda ayuu Madaxweynaha Puntland waxa uu sheegay in madaxda Ethiopia ay ka wada hadleen arrimaha Nabadgaliyada, iyo sidii la isaga kaashan lahaa dhinaca waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga.

Waraysiga oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

Your browser doesn’t support HTML5

Waraysiga Madaxweyne Gaas