Daraasad Saadaalinaysa Guuldarro ku Wajahan al Shabaab

Cilmi baaris cusub oo dhawaan la shaaciyay ayaa muujinaysa in mustaqblaka kooxda al Shabaab uu mugdi ku jiro.

Warbixintan ayaa waxaa diyaariyay Matt Bryden, oo agaasime ka ah Hay’adda cilmi barista ee Sahan oo fadhigeedu uu yahay Magaalada Nairobi, horeyna ula soo shaqeeyay guddigii kormeerka cunaqabateynta Qaramada Midoobay ee Somalia iyo Ereteria.

Daraasadan ayaa lagu soo bandhigay xarunta Istraatiijiyadda iyo daraasaadka caalamiga ah ee marka la soo gaabiyo la yirahdo CSIS – ee fadhigeedu yahay magaalada Washington.

Qaybta hoose ee boggan ka dhegayso faahfaahinta cilmi baaristan iyo waraysi ay VOA la yeelatay khabiirka diyaariyay Matt Bryden iyo falanqayn arrintaasi la xiriirta.

Your browser doesn’t support HTML5

Waraysiga Matt Brayden iyo Daraasadda la xiriirta Shabaabka