Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadku wuxuu ku saabsan yahay doorashadda RW hore ee Soomaaliya loo doortay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland.
Haddaba isbeddelkan dhacay muxuu ka dhigan yahay, maamulka cusubina muxuu noqonayaa xiriirka uu la sameyn doona Somaliland oo muran dhinaca dhulka ah uu kala dhaxeeyo iyo waliba dowladda dhexe ee Soomaaliya.