Faaqidaadda: Isbeddelka ka Dhacay Puntland

Abdiweli Gaas

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadku wuxuu ku saabsan yahay doorashadda RW hore ee Soomaaliya loo doortay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland.

Haddaba isbeddelkan dhacay muxuu ka dhigan yahay, maamulka cusubina muxuu noqonayaa xiriirka uu la sameyn doona Somaliland oo muran dhinaca dhulka ah uu kala dhaxeeyo iyo waliba dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Arrimahaasi waxaa falanqeynaya oo barnaamijkan ka qeybgalaya, Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo ah Agaasime-kuxigeenka Machadka Heritage, Cabdiqaadir Faarax Bootaan oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Puntland iyo Siciid Maxamed Cilmi oo ka tirsan aqalka wakiiladda Somaliland.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso barnaamijka Faaqidaadda