Somali kale oo laga soo Qaaday Koonfurta Sudan

Garoonka diyaaradaha Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa 136 qof oo Soomaali ah ka soo daadgureysay dalka Suudaanta Koonfurta.

Diyaarad sidday dadkan ayaa maanta ka dagtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kadib markii ay ka soo duushay magaalada Jubba.

Waa markii labaad ee dowladda Soomaaliya ay dad ka soo daadgureyso magaalada Jubba.

Safiirka Soomaaliya ee Koonfurta Sudan, C/raxmaan Diini ayaa VOA u sheegay in safaaraddu ay wado qorshe ay sidoo kale ku uruurinayso Soomaali kale oo dagan dalkaasi, kuwaasoo laga soo qaadi doono halkaasi.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso wareysiga Danjire Diinaai