Askar ku Dhimatay Qarax ka Dhacay Deyniile

Askar ka tirsan ciidamada dowladda

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ugu yaraan 7 qof oo ay ku jiraan askar iyo sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka dowladda ay ku dhinteen qarax ka dhacay makhaayad ay fadhiistaan ciidanka dowladda oo ku taalla degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dadka dhintay ay sidoo kale ku jirto qof haweeney ah.

Ilaa hadda si rasmi ah looma kala caddeyn karo nooca uu qaraxu ahaa, balse warar ayaa sheegaya in qaraxu uu ahaa qof isa-soo miidaayay oo makhaayadda isku qarxiyay.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay mas'uuliaydda qaraxan, hasse yeeshee qaraxyada noocan ah ee lala eegto ciidamada dowladda waxaa fuliya ururka al-Shabaab oo dagaal kula jira ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.