Saraakiil QM ka Socda oo Jowhar Booqday

Isku-duwaha arrimaha aadminimo ee Qaramada Midoobay Philippe Lazzarini iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa booqday magaalo madaxda Shabeellada Dhexe ee Jowhar, gobolkaas oo colaad iyo fatahaado ay dad badan barakiciyeen.

Bara-kacayaashaasi ayey dhibaatooyin dhinacyada hoyga, cuntada iyo caafimaadkaba ah meelo kala duwan oo gobolka ah ku haystaan muddo bilo ah.

Haddaba Ibrahim Hassan Daandurey ayaa khadka talefoonka kula xiriiray Gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasada ee gobolka Shabeellada Dhexe Yusuf Cabdi Cabdulle, wuxuuna ugu horeeyn weeydiiyay cida ay ka kooban yihiin wafdiga uu hogaaminayo Mr. Lazzarini iyo ujeedada booqashadooda.

Your browser doesn’t support HTML5

Booqashada Jowhar